Ra’iisal Wasaare Xamsa oo amar adag ku soo rogay masuuliyiinta garoonka Muqdisho

Ra’iisal Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo sheegay in uu ka jawabayo cabashooyin kaga yimid muwaadininta Soomaaliyeed ka safra garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa meesha ka saaray lacago looga qaadi dadka safraya kaarka caafimaadka, kaasi oo horay usoo rogtay wasaaradda Caafimaadka.

Wuxuu amar ku siiyey in dib loogu celiyo lacagihii laga qaaday muwaadiniinta, wuxuuna yiri “Kuwaan maa lacag idinka qaatay! halooga qaado lacagta dadka, hadda ha loo celiyo”

Isaga oo kor u haaya kaarka Caafimaadka ayuu mar kale yiri “Markay halkaan yimaadaan dadku Dowladdu iyadaa dhiibaysa, lacagna kuma qaadayso”. Wuxuu intaasi ku daray in qofka kaliya laga rabo warqaddiisa caafimaad ee Isbitaalka.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dambi tahay qof lacag ku qaado kaarka la soo saaray “Kaarkaan jaallah ah lacag laguma qaadi karo, qofkii ku qaada waa dambiile waa xirayaa” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Xamsa.

Dadka maanta ka safrayey garoonka Muqdisho ee lacagaha bixiyey ayaa dib loogu celiyey, waxaana la tilmaamay in tani ay tahay dhaqan galinta amarka Ra’iisal Wasaaruhu bixiyey. lacagaha dadka laga qaaday ayaa shaqsi walba gaaraysay $30 Doollar, iyaga oo tilmaamay in aanan lagu marsiin baaris caafimaad.

“Lacagta waxaa nalooga qaaday caafimaad ahaan, dhiig iyo wax kale nalagama qaadin. Keena lacagta 30 Doollar bixiya ayaa la dhahay. Askarigu halkaasuu taagnaay, qofkii aan buugga yar wadanin waa soo celinaaye” ayuu yiri qof kamid ahaa dadkii lacagta loo celiyey, isaga oo ku jawabay markale “wxaan dareemaynaa wanaag iyo cadaalad”.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed