Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya iyo guddoomiyaha midowga Afrika oo ka wadahadlay dagaalka ka dhanka Alshabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa xafiiska ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf, oo maanta soo garay magaalada Muqdisho, waxaana wadahadaladooda la isku soo hadal qaaday dagaalka Alshabaab iyo qodobo kale.

Kulanka Xamsa iyo Maxamuud ayaa xafiiska Ra’iisal Wasaaraha waxaa uu sheegay in looga wadahadlay xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta u dhaxeysa Midowga Afrika iyo Soomaaliya, gaar ahaan amniga, la dagaallanka Alshabaab iyo doorka howlgalka cusub ee AUSSOM ee Midowga Afrika.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyay Guddoomiyaha in uu safarkiisii ugu horreeyay ku yimaado Muqdisho, taas oo muujineysa sida hadalka loo dhigay ahmiyadda uu Midowga Afrika u leeyahay Soomaaliya, waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu ka hadlay guulaha dowladda Soomaaliya ka gaartay dhinacyo kala duwan, gaar ahaan dagaalka lagula jiro kooxda Alshabaab oo lagu tilmaamay inuu halis ku yahay amniga guud ee gobolka.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Maxamuud Cali Yusuf oo ugu horreyn ka mahadceliyay soo dhaweynta diirran ee loo sameeyay isaga iyo wafdigiisa, ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan taageerada ay la garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed