Ra’isalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa saacad ka hor ka soo degay magaalada Muqdisho, halkaasi oo garoonka diyaaradaha uu ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Safarka Abiy ee Muqdisho oo ah kii afaraad ee uu ku yimaado Soomaaliya tan iyo markii uu qabtay xafiiska ayaa wuxuu ka dambeeyay safar kale oo dhawaan Xasan Sheekh uu ku tagay magaalada Addis Ababa.
Madaxweynaha Soomaaliya & Ra’isalwasaaraha Itoobiya ayaa la filayaa in kulankooda kaga hadlaan xiriirka labada dhinac iyo meel marinta qodobadii heshiiskii Ankara ee Turkigu dhexdhexaadiyaha ka ahaa.
Ka hor imaanshaha Abiy ee Muqdisho warar kala duwan oo soo baxay ayaa sheegaya in hoobiyayaal lagu garaacay agagaarka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, lama oga khasaaraha ka dhashay, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay Dawlada Soomaaliya iyo laamaheeda ammaanka oo ku aadan arrimahan, Shalay galinkii dambe ilaa iyo xalay waxaa si wayn loo adkeeyay ammaanka Muqdisho iyadoo wadooyinka qaar la xiray, waxaa kale oo wadooyinka la suray calanka Itoobiya & sawirada Madaxweynaha Soomaaliya & Ra’isalwasaaraha Itoobiya.
HBN ONLINE TV

