Booliiska Australia ayaa shaaciyay faahfaahin cusub oo ku saabsan ragga lagu eedeeyay weerarkii toogashada safmarkarka ahaa ee ka dhacay xeebta Bondi ee magaalada Sydney, kaas oo sababay dhimashada & dhaawaca ku dhowaad 50 qof. Booliisku waxay sheegeen in labada eedeysane, oo ah nin iyo wiilkiisa, ay bishii hore u safreen dalka Filibiin, isla markaana weli la baarayo sababta safarkooda.
Sida ay sheegeen laamaha ammaanka, baaritaannada hordhaca ah ayaa muujinaya in labada nin laga yaabo inay ku dhiirradeen fikirka kooxda Daacish, iyagoo gaari ay isticmaalayeen ka helay walxaha qarxa iyo laba calan oo Daacish ah oo gacan-ku-samays ah.
Taliyaha Booliiska New South Wales, Mal Lanyon ayaa sheegay in gaariga laga helay agagaarka xeebta Bondi uu ku qornaa magaca wiilka, isla markaana uu siday qalab qarxa iyo callamada kooxda Daacish.
Warbaahinta dawlada Australia ee ABC ayaa soo xigatay ilo amni oo sheegay in eedeysanayaasha ay bishii Nofeembar ee la soo dhaafay tababar militari ku qaateen xero lagu tilmaamay mid argagixiso oo ku taalla Filibiin.
Weerarka ayaa dhacay intii lagu jiray dabaal-degga Hanukkah ee Axaddii todobaadkan, waxaana ku dhintay 16 qof. Mid ka mid ah weeraryahannada oo ah Sajid Akram oo 50 jir ahaa ayaa booliisku toogteen, halka kan 2-aad oo ah wiilkiisa oo 24 jir ah Naveed Akram la qabtay, isla markaana ku jiro xaalad caafimaad oo halis ah.
Ra’iisul Wasaaraha Australia, Anthony Albanese, ayaa sheegay in weerarku u muuqdo mid ku saleysan fikir xagjir ah oo nacayb wata, isagoo xusay in wiilka dhaqdhaqaaqiisa ay la socdeen sirdoonka Australia tan iyo 2019-kii, balse aan markaas loo arkin khatar degdeg ah.
Mas’uuliyiinta Australia ayaa sidoo kale ammaanay geesinimada Axmed al-Axmad, muwaadin Muslim ah oo asal ahaan ka soo jeeda Suuriya, kaas oo ka hortagay weerarka isla markaana ka furtay mid ka mid ah labada nin ee weerarka fuliyay qori, taasoo ka hortagtay khasaare intaas ka sii badan.
HBN Online TV

