Madaxweyne Donald Trump ayaa u diray 2,000 oo askari oo ka tirsan Ciidamada Ilaalada Qaranka magaalada Los Angeles kadib markii mudaharaadyo xooggan ay ka dhasheen howlgal lagu qabqabanayo dadka soo galootig ah oo ay fulisay Waaxda Socdaalka iyo Kastamka Mareykanka ee magaceeda loo soo gaabiyo ICE.
Mudaharaadyada ayaa qarxay kadib markii ICE ay fulisay howlgallo ballaaran oo ka dhacay xaafado kala duwan oo ay ka mid yihiin Paramount iyo bartamaha magaalada Los Angeles. Dadka mudaharaadaya ayaa sitay calanka Mexican ah, waxayna ku dhawaaqayeen hal-ku-dhigyo ay ka mid yihiin “ICE ha ka baxdo Los Angeles,” iyadoo ay is-hor imaadyo kala duwan la galeen ciidamada federaalka muddo laba maalmood ah.
Aqalka Cad ayaa ku dhawaaqay in Madaxweyne Trump uu saxiixay qoraal madaxweyne oo oggolaanaya dirista ciidamada, isagoo sheegay in loo baahan yahay in la “xalliyo fawdo la oggolaaday in ay kororto.”
Xoghayaha Difaaca Pete Hegseth ayaa xaqiijiyay in ciidamada Ilaallada Qaranka ay shaqayn doonaan muddo gaaraysa 60 maalmood, wuxuuna sheegay in ciidamada Marines-ka ee ku sugan Saldhiga Ciidanka ee Pendleton ay ku jiraan xaalad heegan sare ah haddii rabshaduhu sii socdaan.
Ciidamada federaalka ayaa adeegsaday gaaska dadka ka ilmeysiiyo, xabbado caag ah, iyo qalabyo kale oo lagu kala eryo dadka kadib markii qaar ka mid ah mudaharaadyadu ay isu beddeleen rabshado, iyadoo la soo wariyay dhacdooyin isugu jira burburin iyo gubid baabuur. Booliiska ayaa sheegay in dad badan la xiray.
Guddoomiyaha gobolka California Gavin Newsom ayaa cambaareeyay go’aanka Trump isagoo ku tilmaamay “mid si ula kac ah xaalada uga sii daraya,” wuxuuna sheegay in tallaabadaasi ay tahay mid siyaasadeed oo aan daruuri ahayn. “Trump waxa uu u dirayaa ciidamada Ilaalada Qaranka ma aha sababtoo ah ay jirto baahi ciidan, balse waa maxaa yeelay waxay rabaan in ay muujiyaan buuq siyaasadeed,” ayuu ku qoray baraha bulshada, isagoo dadka kula dardaarmay in aan la isticmaalin rabshad laakiin loo mudaharaado si nabad ah.
Duqa magaalada Los Angeles, Karen Bass, ayaa taageertay xuquuqda dadka u leeyihiin mudaharaadka, balse waxay ugu baaqday shacabka inay ilaaliyaan deganaanshaha, waxayna tiri “Waxaan fahamsanahay cabashada iyo xanaaqa jira ee bulshada, balse rabshaduhu waxay kaliya sii fogeynayaan kala qeybsanaanta,”.
Qareenno iyo u doodayaasha xuquuqda madaniga ah ayaa si dhow ula socda xaaladda, iyagoo ka walaacsan isticmaalka ciidamada milateriga gudaha dalka. Qaar ka mid ah dhaleeceeyayaasha ayaa sheegay in tallaabadaasi ay keeni karto muran dastuuri ah, maadaama taliyaha gobolka aanu dalban ciidamada.
Iyadoo xaaladdu ay wali kacsan tahay, saraakiisha federaalka ayaa sheegay in dirista ciidamada ay tahay mid kumeel gaar ah oo loogu talagalay taageerada howlaha ICE iyo ilaalinta hantida dowladda. Si kastaba ha ahaatee, xiisadda ayaa wali ka taagan magaalada, iyadoo la filayo in mudaharaadyada ay sii socdaan maalmaha soo socda.
HBN Online TV