Barakacayaal badan oo ku nool xeryaha magaalada Garowe ayaa wajahaya xaalad nololeed oo aad u liidata, kadib markii maamulka Puntland uu mamnuucay ganacsiga biraha bishii Sebteembar.
Go’aankaas ayaa sababay in la xiro shirkadihii qaadan jiray biraha ay haweenka barakacay ahi ka soo aruurin jireen xaafadaha, taas oo ahayd ilaha ugu muhiimsan ee ay ka heli jireen dakhligooda maalinlaha ah. Qoysas badan oo ku tiirsanaa shaqadan ayaa hadda ku sugan xaalad gaajo, shaqo la’aan iyo deymo farabadan, sida ay soo tabisay warbaahinta Ergo.
Caasho Colow Ibraahim oo ah hooyo lix carruur ah leh ayaa kamid ah kuwa aadka u saameeyey sharcigaan. Waxay sheegtay in qoyskeeda uu galay nolol aad u daran kadib markii ay waayeen lacagtii yarayd ee ay ka heli jirtay aruurinta biraha oo maalintii gaari jirtay $3 ilaa $4 doollar. Saygeeda oo dhismaha ka shaqayn jiray ayaa shaqadiisii waayay maadaama shirkado cusub oo adeegsanaya qalab casri ah ay la wareegeen shaqooyinkii xoogsatada. Arrintani waxay ku qasabtay Caasho inay mararka qaar dadka deriska ah ka dalbato raashin si ay u quudiso carruurteeda.
Xaalku wuxuu sii xumaaday markii saddex carruurteeda ka mid ah laga soo eryay iskuulka bishii hore, kadib markii ay awoodi weyday inay bixiso lacag bishiiba $15 ahayd. Caasho waxay xustay in noloshoodii ay hoos u sii dhacday tan iyo markii ay ka soo barakaceen Laascaanood, halkaas oo looga soo saaray sida hadalka ay u dhigtay si qasab ah, lagana burburiyay dukaan ay ku tiirsanaayeen. Hadda waxay ku fakarayaan inay dib ugu laabtaan magaalada Qalaafe, balse ma hayaan qarashkii ay ku guuri lahaayeen.
Awliyo Cali Buulle oo iyaduna ku nool isla xeryaha Garoowe ayaa sheegtay in muddo saddex bilood ah aysan shaqo helin, taas oo qoyskeeda gelisay xaalad aad u adag. Waxay tilmaantay in mararka qaar aysan awoodin inay carruurteeda u iibiso cunto iyo caano, sidoo kalena laga saaray guri ay kirada ku degganayeen kadib markii saddex bil ay ku soo gaartay dayn $15 ah. Hadda waxay dulsaar ku tahay sida ay sheegtay qoys qaraabo la ah oo ay buush yar la degantahay, raashinkana ay la wadaagto, halka maalmaha qaarkood ay taleefankeeda u dhigato dukaan si ay ugu hesho wax dayn ah.
Horjoogaha xeryaha barakacayaasha ee Garoowe, Cabdirashiid Gaarane, ayaa sheegay in xaaladda adag aysan ku koobnayn laba haween oo keliya, balse ay saamaysay dhamaan qoysaska ku nool xeryaha. Yaraanta gargaarka hay’adaha iyo xirnaanshaha fursadaha shaqo ayaa sii xoojiyay dhibaatada, taas oo keentay in boqollaal qoys ay halis ugu jiraan gaajo, hoy la’aan, iyo mustaqbal la’aan carruurtooda.
Maamulka Puntland weli arintan wax war ah kama soo saarin oo jawaab ah, inkasta oo uu mamnuucay shirkadihii dibadda u iibgeyn jirtay biraha haraadiga ah, taasi oo ay nolol maalmeedkooda ka heli jireen qoysas badan oo dan yar ah.
Hbn Online Tv

