Dowladda Qatar ayaa maanta sheegtay in dalkeedu uu taageersan yahay dhammaan dadaallada lagu gaarayo amni iyo xasillooni Soomaaliya, kadib kulan dhexmaray masuuliyiin ka kala socotay labada dal.
Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Iskaashiga Caalamiga ah ee Qatar Maryam bint Cali bin Naasir Al-Misnad oo magaalada Doha kula qaadatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisalaam Cabi Cali ayaa ka wada hadlay xiriirka iskaashi ee labada dal iyo sida loo xoojin karo, loona horumarin karo, “gaar ahaan dhinacyada horumarinta iyo taageerada bani’aadannimada,” ayay tiri wakaaladdu.
Wasiir Maryam ayaa mar kale ku celisay mowqifka joogtada ah ee dalkeeda ee ku aaddan taageerada Soomaaliya iyo garab istaagga shacabka Soomaaliyeed, sida lagu sheegay warkaan oo ay baahisay Wakaaladda Wararka Qatar. Waxay sidoo kale adkeysay in Qatar ay taageerto dadaallada oo dhan ee lagu doonayo in lagu xaqiijiyo amni iyo xasillooni
Soomaaliya, isla markaana lagu sugo madax-bannaanideeda, midnimadeeda iyo dhulkeeda.
Qatar ayaa ka mid ah dalalka ugu taageerada badan Soomaaliya, gaar ahaan mashaariicda horumarinta, sida ay horay u sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya.
Isniintii, Doha waxay martigelisay shirkii ugu horreeyay ee Guddiga Sare ee Wadajirka ah ee u dhexeeya Dowladda Qatar iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaa oo dhawaan la shaaciyey.
Intii shirkaasi socday, labada dal waxay dib u eegis ku sameeyeen xiriirkooda iskaashi iyo sidii loo xoojin lahaa, waxayna ka wada hadleen ballaarinta iskaashiga labada dhinac si uu u gaaro heer sare oo dan u ah labada dal, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar.
Dhammaadka kulanka, labada dal waxay kala saxiixdeen heshiisyo iyo is-afgaradyo dhowr ah, oo ay ku jiraan: Heshiis ku saabsan iskaashi maamul, si loo hirgeliyo sharciga kastamka, ka hortagga iyo baaritaanka jebinta sharciyada kastamka; is-afgarad ku saabsan iskaashi dhanka dhallinyarada & dhaqanka.
Hbn Online Tv

