Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay dagaal adag oo Ciidamada dowladda iyo Alshabaab ku dhexmaraya goolka Mudug

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeya Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ay dagaal kula galeen xubno ka mid ah kooxda Alshabaab deegaano hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Dagaalka oo yimid ka dib howlgal ay sameeyeen Ciidamada Xoogga ayaa si gaar ah uga dhacay deegaannada Bacadka Faarax Aadan iyo Caliyaale oo hoostaga degmada Xarar-dheere.

Saraakiil ka mid ah Ciidamada howlgalka ku jira ayaa sheegay inay heleen xog tilmaamaysa sida warka ay u dhigeen xubno maleeshiyaad Alshabaab ah oo qorsheynayay dagaal ay ciidamada ku soo qaadaan, balse ay ciidamadu ka hortageen. Ciidamada ayaa sheegay in si degdeg ah uga hortageen, iyagoo qasaare gaarsiiyey, inkasta oo tirada rasmiga la cadeyn.

“Ciidamada ayaa si degdeg ah uga hortagay cadowga, iyagoo gaarsiiyay jab xooggan oo dhimasho iyo dhaawac leh” ayaa lagu yiri war lagu baahiyey raadiyaha Ciidamada.

Sidoo kale, Hawlgalka oo socday muddo saacado ah ayaa la tilmaamay in kooxda Alshabaab qasaare kale loogu geystay, iyadoo la burburiyay sida hadalka loo dhigay goobo ay isku uruursanayeen.

Ma jirto xog intaasi ka baxsan oo laga heli karo dagaalka ka socda deegaannada ay ku dagaalmaayaan Ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa deegaanka iyo Alshabaab.

Isha ku haay HBN ONLINE TV

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed