Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa tiro hoobiyeyaal ah oo maanta lagu weeraray xarunta sida weyn loo ilaaliyo amaankeeda ee Xalane oo ku taala xeyndaabka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Madaafiicda oo jugtooda laga maqlay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir si gaar ah kuwa dhaca aagga xerada ayaa la soo wariyay in laba ka mid ah ay si toos ah ugu dhaceen gudaha Xalane.
Sawirro hordhac ah ee ka soo baxay ayaa muujinaya khasaaraha ka dhashay weerarka hoobiyayaasha maanta ee lagu qaaday deegaankan sida aadka ah loo ilaaliyo ee ku dhagan garoonka diyaaradaha ee Muqdisho. Weerarka ayaa la sheegay inuu ahaa mid xoogan, waxaana ka dhashay burbur iyo khasaare kale soo gaaray guryo jiingado ka sameysan, wallow aan la soo sheegin inuu ku jiro mid nafeed.
Inkasta oo ay Kooxda Al-Shabaab sheegatay masuuliyadda weerarkan inay ka dambeeyeen, hadane weli Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka magaalada Muqdisho ayaa aan weli ka hadlin.
Weerarka maanta ayaa ku soo aadaya maalin kadib markii uu khasaare nafeed iyo burbur hantiyadeed uu ka dhashay qarax xoogganaa oo Muqdisho lagula eegtay kolonyo gaadiid galbinayey madaxweynaha Soomaaliya, meel aan ka sidaasi ugu fogeyn aagg madaxtooya Qaranka.
Qaraxaasi ayaa waxaa cambaareeey dowladda Federaalka Soomaaliya, iyada oo sheegtay in uusan wax dhib ah soo gaarin madaxweyanaha iyo kolonyadiisa, kuwaa oo socdaal markaasi ugu jiray furimaha hore ee dagaalka, si gaar ah Hirshabeelle.
Aaga Xalane ee garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa hoy u ah safaaradaha shisheeye iyo hay’adaha caalamiga ah, waxaana dhawr sidan oo kale weeraro hoobiyayaal ah ula beegsaday Al Shabaab.
HBN ONLINE TV