Qarax xooggan oo ka dhacay Muqdisho

Nin isku soo xiray walxaha qarxa ayaa goordhaw isku qqrxiyey mayaaqad iyo lagu caweeyo oo laga daawaayey ciyaar oo ku taala degmada Boondheere gobolka Banaadir.

Lama oga qasaaraha rasmiga ah balse muuqaalo meel ka qog laga duubay ayaa muujinaya uurada iyo holaca qaraxa oo aad u weyn.

Sida oo kale dadka deegaanka qaar oo HBN la hadashay ayaa sheegay in jugta qaraxa ay aheyd mid aad u xooggan.

Gawaarida gurmadka degdega ah ayaa gaaray goobta oo ciidamada dowladda isku geedaameen, Weline dowladdu kama hadlin.

Goobta la qarxiyey ayaa laga daawaayey Ciyaarta kama dambeysta ee dhexmareysay xulalka Spain iyo Egland ee Koobta Yuuro 2024.

Mid ka mid ah wariyaasha Ciyaarta daawaayey oo aan la hadlay ayaa ii sheegay in uu indhihiisa ku arkay dad meesha jiifa oo uusan kala saari karin in ay dhinteen ama gabasho ku jireen. Waxaa kale oo uu sheegay in goobta aysan joogin wax masuuliyiin dowladda ah oo kaliya dhalinyaro goobta ku daawaneysay ciyaarta socotay.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed