Qarax sababay dhimashada Askar ka tirsan Puntland oo ka dhacay Gobolka Bari

Faahfaahino kala duwan ayaa laga helayaa qarax miino oo sababay dhimasho iyo dhaawac, kaas oo ka dhacay jidka cusub ee isku xiray magaalada Boosaaso ilaa Dhaadaar, buula Calmiskaad ee gobolka Bari, xilli ay halkaasi howl amni ka wadeen ciidamo ka tirsan Puntland.

Qaraxa ayaa lala beegsaday gaari miino-baaris ah oo ay wateen ciidamo amni, waxaana uu sababay geerida Taliyihii Saadka Ururka Dayax, Jaamac Maxamed Caduur (Afdhishiike), miino-baarihii gaariga iyo darawalkii, sida ay xaqiijiyeen ilo amni. Sidoo kale, ilaa 5 ruux oo kale ayaa ku dhaawacmay qaraxa, kuwaas oo loo soo qaaday isbitaallada magaalada Boosaaso.

Ciidamo dheeraad ah ayaa gaaray goobta si ay u sugaan ammaanka, una furaan baaritaan qoto dheer oo la xiriira dhacdada. Intii ay howlgalladu socdeen, waddada isku xirta Boosaaso iyo Dhaadaar ayaa si ku-meel-gaar ah loo xiray, iyadoo gaadiidka loo weeciyay waddooyin kale.

Mas’uuliyiinta amniga Puntland ayaa sheegay in ay faahfaahin dheeraad ah la wadaagi doonaan warbaahinta marka baaritaannadu soo dhammaadaan.

Dhacdadan ayaa imaanaysa xilli ay ciidanka ammaanku wadeen dadaallo lagu sugayo amniga waddooyinka muhiimka ah ee gobolka Bari, kuwaas oo mararka qaar ay ka dhacaan qaraxyo miino oo khatar ku ah shacabka iyo ciidamaba.

Isha ku haay HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed