Qarax Miino oo ka dhacay Gobolka Shabeellaha Dhexe oo ay ku dhinteen dad Shacab ah isla markaana ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 10 ruux

Shan qof ayaa ku dhimatay siddeed kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii gaari ay la socdeen dad rayid ah uu qarax dhulka lagu aasay kula qarxay deegaanka Golaleey oo ka tirsan degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe, sida uu sheegay guddoomiyaha degmada Balcad Qaasim Cali Nuur.

Dadka ku dhintay qaraxan ayaa la sheegay in ay ku socdaalayeen magaalada Muqdisho, ka hor inta aysan isla wadadaasi ka gudbin ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS.

“Dadka dhintay dhamaantood waxay ahaayeen dad shacab ah oo ka yimid baadiyaha Muqdisho, kooxahan argagixisada ah ma kala soocaan shacabka iyo madaxda dowladda, waxay bilaabeen inay si bareer ah u beegsadaan shacabka.” Ayuu yiri Guddoomiye Qaasim Cali Nuur.

Waddada isku xirta Balcad iyo Jowhar ayaa marar badan waxaa ka dhacay qaraxyo miino oo lala beegsaday dad shacab ah iyo saraakiil ka tirsan dowladda iyo ciidamada ATMIS Dhacdadan ayaa sii kordhinaysa qalalaasaha iyo xasilooni darada ka jirta gobolka.

Kooxda Al Shabaab ayaa lagu eedeeyay in qaxyo ay dhigeen hareeraha waddooyinka lagu safro in ay waxyeello dhimasho & dhaawac ah ay ka soo gaarto dad shacab ah oo aanan waxbo galabsan.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed