Faah faahino kala duwan ayaa ka soo baxaya Qarax maanta ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaasi oo Khasaare uu ka soo gaaray dad rayid ah.
Inta la xaqiijiyey waxaa ku dhaawacmay 3 ruux oo shacab ah, kuwaa oo goobta uu ka dhacay ka ag dhawaa oo lagu sheegay busteeda laga raaco baabuurta u kala socdaala Muqdisho iyo Afgooye.
Lama soo warin wax dhimasha ah oo ka dhashay qaraxa, iyada oo dad goobjoogayaal ah warbaahinta u xaqiijiyeen in uu ka dhacay uu ka agdhow yahay saldhigga degmada Afgooye.
Wax war ah kama soo bixin laamaha amniga ee maamulka degmada oo ku saabsan waxa ay ka ogyihiin qaraxa iyo khasaaraha rasmiga ah inta uu la eg yahay.
Isha ku haay HBN ONLINE TV

