Qarax dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Qoryooley, Shabeellaha Hoose

Ku dhawaad 10 ruux ayaa dhimasho iyo dhaawac uu ka soo gaaray Qarax Xoogaan oo ka dhacay suuq aad u mashquul badan oo ku yaalla degmada Qoryeelay ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Warar hordhac ayaa xaqiijinaya dhimasha 5 ruux, halka tiro intaas oo kale ahne ku dhaawacmeen Qarax la sheegay in uu ka dhacay Suuqa bagaashka lagu iibiyo ee degmada Qoryooley.

Waxaa la sheegay in Rasaas ay fureen ciidamada Ammaanka oo goobta Qaraxu ka dhacay ka agdhawaa, waxaana ilo qaar sheegeen goobta wax ka dheceen lagu magacaabo Fadhi-ku-dirirka ee magaalada.

Dadka goobjoogayaal ah oo muuqaalo ka duubtay goobta wax ka dheceen ayaa muujinaya dhaawac la sido, boor qariyey goob ganacsi oo burbur uu soo gaaray iyo sawaxan xooggan oo dhiilada goobta ka turjumaya.

Weli laamaha ammaanka maamulka Koonfur galbeed kama hadlin qasaaraha ka dhashay Qaraxa ka dadka degmada Qoryooley oo ah mid xiliga uu ka dhacayey saxmad badan ka jirta Suuqa.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed