Qarax ismiidan oo khasaare kala duwan sababay oo caawa ka dhacay xero ciidan oo ku taalla Muqdisho

Waxaa faahfaahino hordhac ah ayaa ka soo baxaysa Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay xerada Jeneraal Dhegabadan ee degmada Wadajir oo dhow Warshaddii hore ee Nacnaca ee magaalada Muqdishu, waxaana wararka kasoo baxaya goobta ay tilmaamayaan in qof walxaha qarxa isku soo xiray uu si dhuumasho ah ku dhex galay ciidamo ku sugnaa xerada, ka hor intii uusan isku qarxin.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxu uu ahaa mid xoogan oo laga maqlay xaafado ka dhow xerada, isla markaana uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh. Ilaa hadda ma jiro tiro rasmi ah oo ay soo bandhigtay dowladda ama ciidamada ammaanka, iyadoo baaritaanno socdaan. Muuqaal aan helnay ayaa muujinaya ruuxa qarxiyey oo la helay qaybaha sare ee jirkiisa isaga oo mayd ah.

Saraakiisha amniga ayaa xiray waddooyinka ku dhow xerada, waxaana bilaabmay howlgal lagu raadinayo cidda ka dambeysay qorsheynta weerarka.

Wararka hordhaca ahi waxay muujinayaan in dhaawacyada qaarkood loo qaaday xarumo caafimaad, halka ay socoto sidii loo xaqiijin lahaa tirada khasaaraha dhabta ah.

Isha ku haay Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed