Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Xerada Damaanyo Muqdisho

Dhimasho iyo dhaawac culus ayaa ka dhacay weerar ismiidaamin ah oo maanta lagu qaaday Xero ciidamada Dowladda Soomaaliya ku leeyihiin Magaalada Muqdisho.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax culus oo maanta ka dhacay gudaha xerada ciidamada Damaanyo, oo ku taalla degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Qaraxan ayaa lala beegsaday dhalinyaro safaf dhaadheer ugu jiray ilinka xerada si ay ugu biiraan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya khasaare xoog leh oo ka dhashay qaraxa, iyadoo ay jiraan dad badan oo ku dhintay iyo kuwo kale oo ku dhaawacmeen. Tirada dhimashada ayaa lagu sheegayaa inay gaareyso ilaa 10 ruux halka dhaawacune uu intaasi ka badan yahay.

Dadka dhaawacmay ayaa si degdeg ah looga qaaday goobta, waxaana halkaasi gaaray ciidamo ka tirsan dowladda oo gurmad sameeyay.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in weerarku uu ahaa mid ismiidaamin ah, ayna suuragal tahay in qof isa soo miidaamiyay uu isku qarxiyay dhalinyaradii is-diiwaangelinaysay, inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin faahfaahinta weerarka iyo tirada saxda ah.

Xaaladda goobta ayaa ah mid cakiran, waxaana xanniban xogta si buuxda looga helayo xerada sababo la xiriira dhanka amniga. Waxaa sidoo kale goobta gaaray saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka kuwaas oo bilaabay baaritaan ku saabsan sida uu weerarku u dhacay, ciddii fududeysay iyo cidda ka dambeysay.

Ilaa iyo hadda, ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka dowladda federaalka ee Soomaaliya ku saabsan qaraxan khasaaraha badan dhaliyay.

Isha ku haay HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed