Qarax dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Muqdisho

Faahfaahino ayaa ka soo baxaya Qarax khasaare dhimasho iyo dhawaac ah ka dhasheen oo maanta ka dhacay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, kaasi oo la sheegay in uu ahaa miino goobta la dhigay.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku dhintay 2 ruux, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan, waxaana goobta gaaray gaadiidka gurmadka degdega ah si ay u qaadaan dadka waxyeellada ka soo gaartay qaraxaasi.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ka dhacay maqaayad ku taalla Xaafadda Jamhuuriya gaar ahaan Cali Geeddi, iyada oo halkaasi tahay goob aad u maqshuul badan sida dad goobjooyaal ah sheegeen.

Laamaha amniga ayaa gaaray goobta si ay uga hortagaan in markale waxyeelo ka dhacdo, waxaana ay bilaabeen baaritaanno.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed