Qarax dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay garoonka diyaaradaha Baraawe

Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhimatay halka afar kalena ay ku dhaawacmeen, ka ib markii gaari nooca Noaha-da oo qarax lagu soo xiray uu ku qarxay maanta gudaha garoonka diyaaradaha degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Gaariga la qarxiyay ayaa la sheegay inuu lahaa mid ka mid ah ganacsatada qaadka magaalada, inkastoo laamaha ammaanka aysan si buuxda u caddeyn arintan waxaana uu qarxay xilli uu gaariga yaallay baarkinka gawaaaida ee garoonka, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ciidamada ammaanka ee ka howlgala garoonka.

Muuqaal laga helay barta dhacdadu ka dhacday ayaa muujinaya gaariga qarxay oo guud ahaan burburay – waxaana la wadaa sida ay ku suurta-gashay in qarax garoonka la soo galiyo.

Sidoo kale, Ciidamada ammaanka ayaa durba bilaabay baaritaano ku aaddan qaraxa iyo cidda ka dambeysay, iyadoo xaaladda garoonka haatan la xakameeyay.

Isha ku haay HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed