Qarax khasaare geystay oo ka dhacay baadiyaha degmada Xeraale ee Waqooyiga gobolka Galgaduud ayaa sababay dhimashada saddex caruur oo walaalo ah, taasoo muujineysa khatarta joogtada ah ee ay leeyihiin haraaga hubka colaadihii dalka soo maray, sida ay qabaan dadka odorosa waxyeelada ay reebaan dagaalada.
Caruurta ayaa labo wiil isla goobtaku dhimatay, halka midka saddexaad oo isna ahaa dhaawac culus uu saacado kadib ku geeriyooday isbitaal ku yaala Xeraale. Waxaa la sheegay in da’doodu ay u dhaxeysay 2 ilaa 6 sano jir, iyaga oo ugu dambeyn si lama filaan ah ugu qaraxday.
Wararka ayaa sheegaya caruurtan oo ahaa walaalo isla markaana kan ugu weyn uu ahaa 6 jir ah ay ku ciyaarayeen deegaan caan ku ah haraaga hubka.
Dhacdadan ayaa dib u soo celisay walaaca laga qabo miinooyinka iyo qaraxyada aan weli qarxin ee dagaalada Soomaaliya tobanaanka sano soo socday in ay waxyeelo u keenaan dadka, gaar ahaanne caruurta.
Dhacdooyinka noocan oo kale ah, kaliya ma keenaan khasaare nafeed oo naxdin leh balse waxaa ay sida oo kale laayaan xoolaha oo dhaqashoodda dadka Soomaaliyeed aad ugu tiirsan yihiin.
Maamullada maxalliga ah iyo hay’adaha samafalka ayaa marar badan si firfircoon uga qayb-qaatay dadaallada miino-baarista ee Soomaaliya oo dhan, haddana baaxadda hubka aan wali qarxin iyo miinooyinka ayaa wali halistoodu taagan tahay.
HBN ONLINE TV