Qoraal uu soo saaray isku duwaha arrimaha bini’aadantinimada ee Soomaaliya George Conway ayaa lagu sheegay in xiisadaha iyo iska horimaadyada dhowaan ka dhacay Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay barakiciyeen ku dhowaad 45-kun oo qof, iyadoo qoysaska ay ku qasbeen inay u qaxaan goobo ay aad ugu yar yihiin adeegyada asaasiga ah iyo gargaarka bini’aadantinimo.
“Xiisadaha iyo dagaalladii u dambeeyay ee ka dhacay Koonfur Galbeed ayaa sababay in qiyaastii 45,000 oo qof ay barakacaan, taasoo ku khasabtay qoysas badan inay u qaxaan deegaanno ay aad u kooban yihiin adeegyada aasaasiga ah iyo gargaarka bani’aadamnimo” ayaa lagu yiri warka QM.
Qoraalka ka soo baxay Xafiiska Conway ayaa lagu yir “Waxaan ka walaacsanahay in dadka ay saameysay ay ku jiraan dadka ugu nugul—kuwaas oo 30% ay markii horeba ku noolaayeen xeryaha barakacayaasha—isla markaana horey ula tacaalayay saameynta isbiirsaday ee abaaraha ba’an. Gaar ahaan, haweenka, carruurta, dadka waayeelka ah, iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee dhowaan barakacay ayaa hadda wajahaya khataro xagga badbaadada ah iyo xaalado bini’aadantinimo oo ka sii daraya oo ka jira hareeraha magaalada Baydhabo”.
Warka qoraalka ah ayaa lagu sii yiri “Waxaan ku dhiirigelinayaa dhammaan dhinacyada inay dhowraan waajibaadka ka saaran ilaalinta dadka rayidka ah, xaqiijiyaan dhaqdhaqaaqa xorta ah ee dadka, oo ay dammaanad qaadaan marin bini’aadantinimo oo ammaan ah, joogto ah, oo aan la huri karin oo la gaarsiiyo dhammaan dadka u baahan,” ayaa la sii raaciyey qoraalka.
Isku duwaha ayaa sidoo kale ku baaqay in si degdeg ah loo qaboojiyo xiisadda, lagana fogaado wax kasta oo horseedi kara iska horimaad dhiig ku daato. “Haddii aan tallaabo degdeg ah la qaadin, xaaladda bini’aadantinimo ee magaalada Baydhabo, oo ay hadda ku nool yihiin qiyaastii 430,000 oo barakacayaal ah, way ka sii dari doontaa. “ayaa qoraalka lagu sii daray.
HBN ONLINE TV

