Qaramada Midoobey oo Soomaaliya kala hadashay qabsoomida doorashooyinka dalka.

Kulan gaar ah oo maanta Muqdisho ku dhexmaray ku simaha wakiilka gaarka ah Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan iyo Ra’iisal wsaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa looga hadlay hirgalinta doorashooyinka dalka.

War ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa lagu sheegay in uu ku qaabilay xafiiskiisa sii hayaha Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, kaasi oo looga wada hadlay xaaladda guud ee dalka.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta ka dhaxaysa Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, iyada oo si gaar ah looga hadlay sida hadalka loo dhigay taageerada qorshooyinka mudnaanta u leh dowladda, sida xasillinta deegaannada laga xoreeyay Alshabaab, hirgelinta doorashooyin ay shacabka Soomaaliyeed ku doortaan madaxda dalka, iyo arrimaha bini’aadanimada.

James Swan, ku simaha wakiilka gaarka ah UN-ka ee Soomaaliya ayaa wada kulamo la iskugu keenayo madaxda dalka ee siyaasadda isku diidan, iyada oo uu Kismaayo kula kulmay madaxweyne Axmed Madoobe oo uu kala hadlay arimaha doorashooyinka, ka dib ka bixitaankiisii shirka golaha wadatashi ee muddo toban cisho ka badan ka socda Muqdisho isaga oo aan wax war murtiyeed ah laga soo saarin.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed