Qaramada Midoobey oo sheegtay in “ku dhowaad 5 milyan Soomaali ah ay wajahayaan cunto yari”

Soomaaliya waxaa ka taagan xaalad bini’aadantinimo oo sii xumaanaysa, iyadoo roob la’aan baahsan ay ka dhalatay abaartii soo jiitamaysay ee afar xilli roobaad, sida ay sheegeen hay’adaha gargaarka ee Qaramada Midoobay. QM ayaa ka digtay in malaayiin qof ay wajahayaan gaajo, nafaqo-darro iyo barakac baahsan.

Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee FAO ee Qaramada Midoobey ayaa Arbacadii sheegtay in ugu yaraan 4.4 milyan oo qof ay wajahayaan cunto-yari ba’an ilaa dhammaadka December, halka 1.85 milyan oo carruur ah oo ka yar 5 sano ay ku dhici doonaan nafaqo-darro daran marka la gaaro bartamaha 2026.

FAO ayaa digniin ka bixisay in abaarta iyo kuleylka sii kordhaya ay ku sii fidi doonaan meelo badan oo Soomaaliya ah, gaar ahaan gobollada dhexe iyo waqooyi. Hay’addu waxay sheegtay in heerkulka oo kacaya iyo roob la’aantu ay ka sii dari doonaan dhibaatada biyaha iyo in daaqa aan dib u soo kabsan karin.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqday xaalad abaar oo degdeg ah, waxayna caalamka ka codsatay gargaar degdeg ah, iyadoo xaaladdu meel walba ka sii darayso— gaar ahaan gobollada waqooyi, bartamaha iyo koonfurta.

Puntland ayaa ka mid ah meelaha ugu daran, halkaas oo maamulka uu sheegay in ku dhowaad hal milyan oo qof ay u baahan yihiin gargaar, oo ay ku jiraan 130,000 qof oo xaaladoodu degdeg tahay oo u baahan gargaar badbaado-nololeed.

QM waxay sidoo kale sheegtay in maalgelinta gargaarka oo aad u yar ay dhibaato weyn ku tahay jawaabta bani’aadamnimada. Qorshaha Gargaarka Soomaaliya ee 2025 (HRP) wuxuu maalgelin ahaan gaaray oo keliya 23.7%, taas oo keentay in la dhimo gargaar badan.

Tirada dadka helaya gargaarka cunto-degdegga ah ayaa hoos uga dhacday 1.1 milyan bishii Agoosto ilaa 350,000 oo keliya bishaan November.

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed