Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa ku dhawaaqay in James Swan oo u dhashay Mareykanka dib loogu soo magacaabay Wakiilkiisa gaarka ah ee Soomaaliya iyo Madaxa Howlgalka ku meel-gaarka ah ee UN-ka ee Soomaaliya (UNTMIS).
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dhawaaqistan ay muujineyso sida ay uga go’an tahay inay sii waddo taageerada ay siineyso Soomaaliya xilligan kala guurka siyaasadeed ee muhiimka ah, sida uu dhigayo bayaan ka soo baxay Guterres.
Mr. Swan, oo ah diblomaasi khibrad sare leh oo si qoto dheer ugu howlanaa xaaladaha siyaasadeed ee murugsan ee Afrika, ayaa tan iyo bishii Maajo 2024 si ku meel-gaar ah u hayay xilka Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Madaxa UNSOM/UNTMIS.
Xoghayaha Guud ayaa uga mahadceliyay Mr. Swan dadaalkiisa, wuxuuna soo dhoweeyay go’aankiisa ah inuu sii hoggaamiyo dadaallada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.
Swan waa dublamaasi waayo arag ah oo muddo dheer ku soo dhex jiray dalalka Afrikaanka ah. Ka hor inta uusan noqon ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya ahna Madaxa UNSOM/UNTMIS iyo sidoo kale Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya iyo Madaxa UNSOM (2019-2022), waxa uu soo noqday Safiirka Maraykanka ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (2013-2016), Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya (2011-2013).
Shaqadiisii hore, Mr. Swan waxa uu ahaa Ku xigeenka Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Arrimaha Afrika (2006-2008) iyo Agaasimaha Falanqaynta Afrika ee Xafiiska Sirdoonka iyo Cilmi-baarista ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka (2005-2006).
Macaabidda James Swan ayaa ku soo aadaysa, xilli ay Soomaaliya ku jirto waqti xasaasi ah oo ay dalka ka jiraan khilaafaadyo siyaasadeed iyo kuwa amni oo ragaadiyay horumarka dalka, islamarkaasna walaaca laga muujinayo jihada doorashooyinka soo socda.
HBN ONLINE TV