Qoraal uu u gudbiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Danjire Robert Wood, oo ah safiirka ku xigeenka Mareykanka ee Qaramada Midoobay, ayaa walaac xooggan ka muujiyay xiisadda siyaasadeed ee sii xumaanaysa ee u dhaxaysa Itoobiya iyo Soomaaliya iyo saamaynta ay ku yeelan karaan ammaanka gobolka. Hadalkiisa waxa uu yimid mar uu ka hadlaayay xaaladda Saomaliya kulan ay yeeshaan Golaha Ammaanka, iyadoo ay barbar socdeen aragtiyo laga helay Danjire James Swan iyo Mohamed El-Amine Souef.
Danjire Wood ayaa ku nuux nuuxsaday in khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya uu “khatar weyn ku yahay danaha amni ee ay wadaagaan”. Waxa uu ku baaqay in wada hadal diblumaasiyadeed oo degdeg ah la sameeyo si xiisadda loo qaboojiyo, isagoo carabka ku adkeeyay in tani ay tahay wadada kaliya ee lagu gaari karo.
Safiirka ayaa hoosta ka xariiqay in Qaramada Midoobay ay si joogto ah u taageerto midnimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo la jaan qaadaysa Midowga Afrika (AU) iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah.
“Wadahadal dublamaasiyadeed waa dariiqa lagu qaboojin karo xiisadaha, iyo dariiqa kaliya ee loo mari karo,” Wood ayaa yiri. Waxa uu ka digay in khilaafka gobolka uusan leexin dadaallada muhiimka ah ee dowlad-dhisidda Soomaaliya ama ololaha socda ee ka dhanka ah kooxda ah ee Al-Shabaab.
Hadalkan ayaa imanaya iyada oo dhawaan mas’uulinyiinta Itoobiya iyo Somaliland ay sheegeen inuu gabogabo ku dhaw yahay hishiiskii is-af-garadka ahay ee ay kala saxiixdeen horraantii sanadkan Muuse Biixi iyo Abiy Axmed.
HBN NEWS DESK