Qaramada Midoobay oo Soomaaliya ugu deeqday $10 milyan Doollar

Madaxa gargaarka bani’aadannimada ee Qaramada Midoobay, Tom Fletcher, ayaa horaantii todobaadkan sheegay in hay’addu ay Soomaaliya u siidaysay $10 milyan oo ka timid sanduuqa gurmadka degdegga ah si looga hortago macluul ka dhalan karta dalka.

Hadda waxaa Soomaaliya ka jira sida uu sheegay xaalad cunto yari oo daran, iyadoo ku dhowaad 6 milyan oo qof ay wajahayaan gaajo ba’an, halka 1.9 milyan oo ka mid ah ay ku sugan yihiin xaalad degdeg ah.

Fletcher ayaa sheegay in waqtiga lagu joojin karo macluusha Soomaaliya uu yahay mid kooban, isla markaana dhaqaalaha la bixiyay loogu talagalay in lagu gaarsiiyo gargaar nololeed oo ay ka mid yihiin cunto, nafaqo, adeegyo caafimaad iyo biyo nadiif ah, ku dhowaad 640,000 oo qof.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in khatar macluul ay si gaar ah uga jirto gobollada Bay iyo Bakool ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Sidoo kale, in ka badan 500,000 oo qof ayaa barakacay tan iyo bilowgii sanadkan, iyadoo abaarta daba dheeraatay, colaadaha, cudurrada iyo sicir-bararka ay sii xumeeyeen xaaladda bani’aadannimo ee dalka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed