Qaramada Midoobay oo si weyn walaac kaga muujisay howlgalka AUSSOM iyo maqnayaashiyaha dalal joogto ah oo ku matala Afrika golaha ammaanka

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa si adag uga hadlay xaaladda dhaqaale ee haysata howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, xilli uu ka hadlayay furitaanka Shirka Midowga Afrika ee ka socda magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Guterres ayaa sheegay in ay lama huraan tahay in Soomaaliya loo helo maalgelin joogto ah oo la saadaalin karo si loo taageero howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM). Wuxuu xusay in howlgalkaasi uu wajahayo caqabado dhaqaale oo halis gelin kara fulinta waajibaadkiisa amni iyo xasilin.

Xoghayaha Guud ee QM ayaa muujiyay walaac xooggan oo ku aaddan in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uusan weli gaarin is-afgarad ku saabsan maalgelinta howlgalka, gaar ahaan tabarucaad khasab ah.

“Haddii howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya uusan u qalmin taageero caalami ah, markaa howlgalkee ayuu u qalma?” ayuu yiri Guterres, isagoo intaas ku daray in QM ay dib u eegis ku samaynayso dhammaan howlgallada nabad-ilaalinta si loo hubiyo in ay yihiin kuwo dhab ah, si wanaagsan loo qalabeeyay, isla markaana leh istaraatiijiyado kala-guur oo cad.

Dhanka kale, Guterres ayaa si adag uga hadlay maqnaanshaha Qaaradda Afrika ee kuraasta joogtada ah ee Golaha Ammaanka, isagoo sheegay in aanay ahayn arrin la aqbali karo in go’aamo la xiriira Afrika laga gaaro iyadoo aanay miiska fadhin. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in dunidu horumartay, islamarkaana aan lagu sii jiri karin nidaamkii 1946-kii, xilli inta badan dalalka Afrika ay markaas ku jireen gumeysi.

“Maqnaanshaha kuraasta joogtada ah ay Afrika ku leedahay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waa arrin aan la difaaci karin, waxaa la joogaa 2026 ee lama jooga 1946. Go’aan kasta oo laga gaarayo Afrika iyo arrimaha dunida marka miiska la jooga Afrika waa in ay miiska fadhido”ayuu yiri Antonio Guterres. Hadalkan ayaa imanaya xilli 5 dal ee leh kuraasta joogtada ah ee Golaha Ammaanka—Maraykanka, Ingiriiska, Ruushka, Faransiiska iyo Shiinaha—aysan midkoodna ka imaan Qaaradda Afrika.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed