Qaramada Midoobay oo ka digtay xaalado gaajo oo ay wajahayaan dadka 16 dal oo Soomaaliya ka mid tahay

Hay’adaha Qaramada Midoobay ee Cunnada iyo Beeraha (FAO) iyo Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP) ayaa soo saaray digniin adag oo ku saabsan kororka amni-darrooyinka cuntada ee caalamka, iyagoo sheegay in xaaladda gaajo ay si xawli ah uga sii dareyso 16 dal oo ay Soomaaliya ka mid tahay.

Warbixin ay si wadajir ah u soo saareen oo cinwaankeedu yahay “Goobaha Gaajada ka Taagan tahay” ayaa lagu sheegay in lix dal ay hadda wajahayaan halis macaluul ama gaajo daran oo fool xun — kuwaas oo ay ka mid yihiin Suudaan, Falastiin, Koonfur Suudaan, Maali, Haiti iyo Yemen. Warbixintu waxay xustay in bulshooyin qaar oo dalalkaas ku nool ay horeba u gaareen ama ay ku dhow yihiin heer macaluul rasmi ah.

Sidoo kale, dhowr dal kale ayaa lagu sheegay inay ku jiraan xaalad degdeg ah oo amni cunto ah oo sii xumaaneysa, kuwaas oo ay ka mid yihiin Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo, Nayjeeriya, Myanmar, Soomaaliya, Suuriya iyo Afgaanistaan, iyadoo dalalka Burkina Faso, Chad iyo Kenya-na ay qeyb ka yihiin liiskaas, iyo weliba xaaladda qaxootiga Rohingya ee ku sugan Bangladesh.

Agaasimaha Fulinta ee WFP,(Siindi Makeyn) – Cindy McCain, ayaa sheegtay in “macaluushu aysan ahayn mid lama huraan ah,” iyadoo hoosta ka xarriiqday in beesha caalamku “ay hayso qalabka iyo aqoonta looga hortagi karo,” balse waxa la’ yahay “kheyraadka iyo go’aanka siyaasadeed ee degdegga ah.”

Waxay intaas ku dartay in carruurtu yihiin kuwa ugu nugul ee halista ugu jira, maadaama nafaqo-darridu ay daciifiso difaaca jirkooda, taas oo kordhisa khatarta cudurrada iyo dhimashada.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed