Qaramada Midoobay oo ka digtay saameynta dagaalka bariga dhexe uu ku yeelanayo Soomaaliya 

Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bani’aadannimada, Tom Fletcher, ayaa isaga oo booqasho ku joogay Muqdisho sheegay in dagaalka u dhexeeya Mareykanka, Israa’iil iyo Iiraan uu durba saameyn xooggan ku yeeshay Soomaaliya.

Isaga oo la hadlayey Telafeshinka Aljazeera ayuu sheegay in xaaladda Soomaaliya ay noqotay mid saacad walba is bedelkeedu uu sareeyo.

“Waxaan Soomaaliya joogay ku dhawaad toddobaad, maalin kasta iyo saacad kasta waxaan maqlayaa saameynta dhibaatadan,” ayuu yiri Fletcher.

Wuxuu xusay in Soomaaliya ay horayba u wajahaysay baahiyo bani’aadannimo oo aad u weyn, balse xirnaanshaha marin-biyoodka Hormuz uu sababay in qiimaha cuntada iyo shidaalka uu labanlaabmo.

“Natiijada ka dhalan karta arrintan, waxaan ka cabsi qabaa in halista macaluul ay mar kale kusoo fool leedahay gobolka. Waxaa jira nus milyan carruur ah oo la ildaran nafaqo darro ba’an, halka gaajadu ay labanlaabantay lixdii bilood ee lasoo dhaafay. Dunidu waa inay ku baraarugtaa dhibaatada ka jirta halkan,” ayuu yiri Fletcher.

Tom Fletcher oo deegaano kamid ah Koonfurta Soomaaliya tagay ayaa waxaa lala kulansiiyey dadka abaartu saameysay ee ku soo barakacay duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, kuwaas oo ay ku muuqatay xaaladda adag oo nololeed.

Inta uu joogay halkaasi wuxuu hoggaanka maamulka Koonfur Galbeed kala hadlay doorka Qaramada Midoobay ee dhinacyada gargaarka bani’aadannimo, wax ka qabashada saameynta abaaraha, iyo taageerada dadka barakacay ee ku nool deegaanadaasi.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed