Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, ayaa maanta kulan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Cali Yuusuf Xoosh, waxaan wadahadalkooda diiradda lagu saaray mudnaanta istaraatiijiga ah ee dhismaha dowladnimada Soomaaliya, iyadoo la xusay kaalinta muhiimka ah ee dagaallada ka dhan ah Alshabaab.
James Swan wuxuu muujiyey inQaramada Midoobay ay u taageersan tahay dadaallada dowladda federaalka ee ku wajahan xasilinta iyo sugidda amniga dalka.
Wuxuu sidoo kale xusay in barnaamijyada xasillinta ay weli yihiin tiir muhiim u ah la-dagaallanka argagixisada, isagoo carrabka ku adkeeyay in taageerada caalamiga ah ay sii socon doonto si loo xaqiijiyo nabad iyo dowladnimo waarta.
Kulankan ayaa imaanaya iyadoo xaalad siyaasadeed oo cakiran ay ka taagan tahay dalka, gaar ahaan arrimaha la xiriira hannaanka doorashada iyo wax-ka-beddelka dastuurka KMG ah. Si kastaba, Qaramada Midoobay ayaa muujisay inay garab taagan tahay dadaallada dib-u-dhiska hay’adaha dowladda iyo sugidda amniga guud ee Soomaaliya.
HBN ONLINE TV