Qaramada Midoobay, Itoobiya, Mareykanka & dhinacyo kala ka hadlay qaraxii Muqdisho

Waxaa isa soo taraysa baaqyada cambaareynta & tacsida isugu jira ee ku aadan qaraxii & weerarkii xigay ee xalay ka dhacay xeebta liido ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo in ka badan 30 qof oo rayid ah iyo hal qof oo ka mid ah ciidamada ammaanka ay ku geeriyoodeen isla markaana tiro ka badan 60 qof ay ku dhaawacmeen.

Ra’isalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa fariin uu soo dhigay bartiisa X ee horey loogu yiqiin Twitter wuxuu ku muujiyay sida ay iga xun yihiin qaraxaasi, walow farriintiisa aanu ku xusin dawlada Soomaaliya haddana ku yiri;

“Waxaan aad uga xunnahay khasaaraha nafeed ee naxdinta leh ee ka dhashay weerarkii argagaxa lahaa ee ka dhacay xeebta caanka ah ee Muqdisho. Waxaan xus iyo duco la garab taagannahay dhibanayaasha, qoysaskooda, iyo shacabka Soomaaliyeed xiligan adag”

Dhinaca kale Midowga Yurub ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo mas’uuliyadiisa ay sheegatay Al Shabaab. Waxayna tacsi tiiraanyo leh u direen qoysaska dhibanayaasha, waxaana ay sheegeen inay u rajeynayaan caafimaad degdeg ah kuwa ku dhaawacmay.

Qoraalka Midowga Yurub ka soo baxay ayaa lagu yiri “Weerarkan waxashnimada ah ee ka dhacay Xeebta Liido ee lagu laayay dad shacab ah ayaa waxa uu hoosta ka xariiqayaa in Al Shabaab ay mar kale waxashnimo ay kula kacaan dadkooda”

Qoraalka ayaa sidoo kale waxaa lagu yiri “Midowga Yurub waxa uu garab taagan yahay dowladda Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed, waxaana mar kale xaqiijineynaa in ay naga go’an tahay in aan Soomaaliya ka taageerno dagaalka ka dhanka ah argagixisada nooc kasta oo ay tahay”.

Safaarada Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa fariin ay soo dhigtay barta X waxay ku tiri “waxa uu si kulul u cambaareeyey weerarkii argagixisanimo ee shalay dadka rayidka ah lagula eegtay Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho. Waxaan tacsi u direynaa ehelada dhibanayaasha waxaana u rajeyneynaa caafimaad degdeg ah kuwa dhaawacmay.

Mareykanka iyo Soomaaliya ayaa dan guud ka leh horumarinta nabadda iyo barwaaqada. Waxaa naga go’an inaan taageerno dadaallada Soomaaliyeed ee lagu jabinayo al-Shabaab waana mid aan leexleexad lahayn”.

 

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa war uu soo saaray ayaa waxaa lagu yiri “Qaramada Midoobay waxay si adag u cambaaraynaysaa weerarkii argagixisada Al-Shabaab ee Xeebta Liido ee Muqdisho, waxaan tacsi u diraysaa dadkii ku dhintay, una rajaynaynaa caafimaad deg deg ah kuwii ku dhaawacmay, waxayna mar kale cadaynaysaa inay garab taagan tahay dadaallada Dawlada Federaalka Soomaaliy ee lagu xaqiijinayo nabadda”.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed