Qaraar lidi ku ah Israa’iil oo la horkeenayo Aqalka Senate-ka ee Mareykanka

Senetar Chris Van Hollen oo ka mid ah aqalka Senate-ka ee dalka Maraykanka ayaa shaaciyay inuu taageerayo hindise sharciyeed lagu doonayo in lagu joojiyo hubka dalkiisu uu ka iibiyo Israel.

War qoraal ah oo uu soo saaray ayuu ku sheegay in ay tahay in hubka laga soo iibsado Mareykanka ay tahay in loo isticmaalo si waafaqsan qawaaniinta caalamiga ah.
Chris oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ayaa sheegay in Israa’iil ay ku xad gudubtay shardigan gaar ahaan dagaalka ay ka wado Marinka Gaza ee Falastiin.

Waxa uu xusay in weerarrada Israa’iil ee Gaza iyo Lubnaan “ay dhaawacayaan kalsoonida Maraykanka taasina waa in aanay sii socon”.
Senetka Mareykanka ayaa la filayaa inuu u codeeyo qaanuunkan maalinimada beri oo ah Arbaca, sida ay sheegtay wakaalada wararka Anadolu ee dalka Turkiga.

Qaanuunkan waxaa soo bandhigay Senator Bernie Sanders oo ah Senator madaxbabnaan, isagoo taageero ka helaya Senataro Dimuqraadiqiga ah oo kala ah Peter Welch, Jeff Merkley iyo Brian Schatz.

Israa’iil oo taageero maaliyad iyo hub ah heshay Mareykanka ayaa waday tan iyo 7-dii October, 2023, falal lagu tilmaamay xasuuq oo ka dhacay Gaza oo dhimasho & dhaawac uu ka soo gaaray ilaa 148,000 oo Falastiiniyiin, kuwaas oo u badan carruur iyo haween, in ka badan 10,000 oo kalena waa la la’yahay, iyada oo ay jirto burbur iyo macaluul baahsan oo ay ku dhinteen daraasiin dad ah oo ay ka mid yihiin carruur iyo dadka da’da ah, waxaana la sheegay in Gaza ay ku sugan tahay mid ka mid ah masiibooyinka bini’aadantinimo ee ugu xun adduunka.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed