Magaalada Kismaayo, oo ah xarunta ku-meelgaarka ah ee Jubbaland, ayaa waxaa ka socda qabanqaabo ballaaran oo lagu soo dhaweynayo xubnaha mucaaradka ah ee la filayo inay halkaas ku yeeshaan Shirka Madasha Mustaqbalka Soomaaliya.
Jubbaland ayaa dadaal xooggan gelisay abaabulka iyo martigelinta xubnaha mucaaradka, kuwaas oo hore xilal kala duwan uga soo qabtay dalka, isla markaana Kismaayo ku qabanaya shir looga arrinsanayo xaaladda guud ee siyaasadeed ee Soomaaliya.
Sidoo kale, Xoghayaha Madasha mucaaradka Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo faahfaahin ka bixiyey shirka ayaa sheegay in qorshahooda ay u tageen Kismaayo ay tahay dhameystirka golaha ay ku mideysan yihiin oo lagu magacaabo “Golaha Mustaqabalka Soomaaliya”, kaasi oo maalinta berri ah magaalada laga furi doono. Wuxuu carrababay in looga arinsan doono arimaha siyaasadda dalka & wax ka qabashada howlaha socda.
Xubnaha mucaaradka ah oo xalay la hadlay warbaahinta ayaa shirka Kismaayo ku tilmaamay mid muhiim u ah geeddi-socodkooda siyaasadeed, iyagoo sheegay in uu yahay fursad ay si wadajir ah iskugu arkaan kaddib muddo ay raadinayeen kulamo noocan ah.
Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe, ayaa la filayaa inuu la kulmo xubnaha mucaaradka ee ku sugan Kismaayo, kuwaas oo sidoo kale halkaas ka jeedin doona khudbado ay kaga hadlayaan xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo mustaqbalka Soomaaliya.
HBN Online TV

