Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed oo kulan weyne ku qabtay xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa baaq nabadeed oo ay ku mideysanyihiin ka soo saaray colaadaha ka dhacaya qeybo ka mid ah dalka.
Qabaa’ilada ku dagaalamaya gudaha dalka ayaa Odayaasha dhaqanku sheegeen in wax laga xumaado ay tahay colaadaha ay ku jiraan, taasi lagu daadinayo dhiigga muslimka.
Shirka maanta oo si gaar ah u taabanayey colaadaha socda ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo lagana shaqeeyo xal u helidda xasaradaha taagan.
Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa kulankooda oo uu ka soo baxay War-murtiyeed ayaa carrabka ku adkeeyey in ay si adag uga soo horjeedaan colaadaha socda, iyaga oo faray dhinacyada dagaalamaya iyo waxgaradka kale ee goobaha rabshaduhu ka socdaan in xaaladahaasi dhex galaan.
Sanadkii tagay ee 2024 waxaa la sheegay in Soomaaliya ay ka dheceen dagaalladii ugu badnaa ee dhiig ku dadaato oo qabaa’ilada is fara-saareen.
Goobaha dagaalladu lagu hoobtay ay si adag uga dheceen waxaa ugu waa weyn Hirshabeelle, Galmudug, Puntland, SSC-Khaatumo iyo Somaliland, iyada oo kumanaan ruux ay ku barakaceen, tobanaan ku hoy beeleen, tiro kale ay noloshu biday inay isaga hayaamaan sida aan ka soo xiganeyno xafiiska Bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobe
HBN ONLINE TV