Qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo culimada gobolka Nugaal ayaa si adag uga falceliyay xuska 18-ka May ee dhowaan lagu qabtay magaalada Garoowe iyo xeebta degmada Eyl, kadib markii ay sheegeen in aysan raalli ka ahayn munaasabaddaasi ay Puntland qabanqaabisay.
Odayaasha dhaqanka oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta gobolka Nugaal ayaa ku eedeeyay maamulka Puntland inuu jabiyay dastuurka, iyagoo carrabaabay in aan la aqbali karin in deegaannadooda lagu qabto dabaaldegyo la xiriira 18-ka May oo ah maalin Somaliland u dabaal degto.
Sidoo kale, waxaa ay sheegeen inay la xisaabtami doonaan cid kasta oo masuul ka ahayd abaabulka munaasabaddaas, aysanna jiri karin cid kala goyn karta dowladnimada Soomaaliya. Odayaasha ayaa Somaliland ku eedeeyey in ficiladeeda aanay ahayn kuwo dadka Soomaaliyeed ku farxin kadib markii ay xiriir la sameysteen Israa’iil, isla markaana magaalada Qudus ay xaruntooda noqon doonto.
Waxgaradka ayaa sheegay in dhacdadan ay dhalisay caro bulshada dhexdeeda ah, islamarkaana ay ka dhasheen xarig loo geystay dhalinyaro ka falcelisay xuskaasi, iyaga oo ku baaqay in si degdeg ah loo sii daayo dhalinyarada la xiray.
Dhanka kale, maamulka Puntland ayaa xabsiga dhigay nin lagu magacaabo Daa’uud Faarax, oo ka mid ahaa dada lagu eedeeyay inay dhaqeen isla markaana Qur’aan ku akhriyeen barxadda Garoowe, kadib markii halkaasi lagu qabtay xuska maalinta Somaliland.
Falcelinta odayaasha ayaa ku soo aadaysa xilli dood iyo muran siyaasadeed ay ka dhalatay xuska munaasabadda 18-ka May ee lagu qabtay qaar kamid ah deegaannada Puntland, iyadoo arrintan ay sii kordhisay hadal-heynta la xiriirta mowqifyada siyaasadeed ee gudaha maamulka Puntland.
Ilaa hadda Xukuumadda Puntland kama aanay jawaabin warka soo baxay odoyaasha dhaqanka.
HBN ONLINE TV

