Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xubno ka tirsan mucaaradka Soomaaliya ayaa maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay Madaxtooyada Qaranka, halkaas oo lagu soo saaray war-murtiyeed wadajir ah oo lagu sheegay in is afgarad laga gaaray arrimihii siyaasadeed ee la isku hayey iyo qaabka doorashada dalka u dhici doonto.
Xubnaha mucaaradka ee shirka ka qeyb galay waxaa ka mid ahaa, Daahir Maxamuud Geelle, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka mid ahaa madasha Samatabixinta Soomaaliya.
Kulanka oo diiradda lagu saaray qodobadii markii hore la isku hayey ayaa ugu dambeyn dhinacyadu waxay ka gaareen heshiis buuxa, waxaana qodobada ugu culus ay ku jiraan 3-aad ilaa 9-aad, iyada oo lagu heshiiyey doorashada madaxweynaha inay noqoto qaabkii Baarlamaaniga ahaa. Madaxweynaha ayaa leh awoodda uu ku magacaabo Ra’iisul Wasaaraha, isagoo Golaha Shacabka ansixinayo ama kala laaban karo kalsoonida.
Urur kasta oo helo ugu yaraan 10% kuraasta Baarlamaanka Federaalka wuxuu noqonayaa xisbi qaran. Doorashooyinka dalka waxaa lagu saleeynayaa xeerka doorashooyinka 2024.
In si degdeg ah loo qabto doorashooyinka golayaasha deegaanka, dowlad-goboleedyada iyo Federaalka. In sida ugu dhakhsaha badan loo dhammaystiro cutubyada harsan ee dastuurka. In mucaarad iyo muxaafidba si wadajir ah uga qayb qaataan doorashada qof iyo cod ee mustaqbalka.
War-murtiyeedka waxaa lagu baaqay in dhammaan daneeyayaasha siyaasadda dalka ay ku midoobaan taageeridda geeddi-socodka dimuqraadiyeynta Soomaaliya.
Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in go’aankan uu yahay mid wadajir ah oo lagu heshiiyey, isagoo xusay in Soomaaliya aysan istaagi doonin balse ay horay ugu soconayso wadahadal iyo dib-u-heshiisiin.
“Meesha ma sii taagnaaneyno, waa soconaynaa,” ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay in guushan ay astaan u tahay in Soomaaliya ay u gudubto marxalad cusub oo dib-u-heshiisiin iyo wada-tashi siyaasadeed ah.
Inkasta oo xubnaha Mucaaradka kale aanay shirka ka soo muuqan ama ka hadlin go’aankooda iyo sida ay u arkaan, hadane waxaa laga dhur sugi doono sida ay uga falceliyaan qodobada lagu heshiiyey iyo sida ay u arkaan.