Iyada oo xukuumadda Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni uu 24-kii saac ee la soo dhaafay is bedel isku shaandheyn u badnaa uu ku sameeyey ayaa arinkaasi waxaa si weyn uga soo horjeestay Qaar ka mid ah beelaha dega deegaanada Puntland, waxayna oo cabasho ka muujiyeen qaabka loo maray dib habaynta dhacday ee ugu dambeysay ee golaha wasiirrada.
Wareegtadii shalay ee uu soo saaray madaxweynuhu ayaa lagu sameeyay isbeddel ballaaran xubnaha golaha wasiirrada, iyada oo qaar ka mid ah golaha xilalkii laga qaaday, halka kuwo kalena lagu beddelay xubno cusub.
Si kastaba ha ahaatee, beelo qaar ayaa sheegay in aysan ku qanacsaneyn qaabka loo qaybiyay xilalka, iyagoo tilmaamay in aan si caddaalad ah loogu darin saamiga beelahooda. Waxay sheegeen in laga ilaaliyay sida ay ku doodeen xilqabashada iyo xuquuqdooda muwaadinnimo.
Bayaanno ay soo saareen ayaa lagu muujiyay cabashada jirta, waxayna ku tilmaameen xaaladdan mid ka tarjumeysa dulmi iyo dayacaad muddo socotay sida hadalka ay u dhigeen. Waxay xuseen in tan iyo markii uu xilka qabtay Madaxweyne Deni ay dhankooda ka maqneyd ka-qaybgalka xilalka muhiimka ah ee Puntland.
Sidoo kale, waxay sheegeen in marar badan ay la xiriireen Madaxweyne Deni, isla markaana uu ballan qaaday in wax laga qaban doono cabashadooda sida ay ku doodeen, balse ilaa iyo hadda aysan arkin wax tallaabo muuqata ah oo la qaaday.
Ugu dambeyn, beelaha cabashada qaba ayaa ugu baaqay madaxda Puntland in ay si degdeg ah uga jawaabaan tabashada jirta, islamarkaana la xaqiijiyo matalaad loo siman yahay oo dhammaan beelaha ay ku helaan xuquuqdooda siyaasadeed.
Cabaqashada & diidmada hannaanka saamiga wax qaybsiga beelaha saluugay ayaa waxaa ka mid ah beelaha Sanaag, Bari & Waqooyiga Gobolka Mudug
Si kastaba, waxaa si weyn looga falceliyey habkii isku shaandheyn ee madaxweyne Saciid Deni uu sanmeeyey, iyada oo dad badan ay u arkeen tani siyaaasad cusub oo lagu soo kordhiyey xukuumadda Puntland, maadama ay xaaladda lagu jiro u baahan tahay in laga qabto cabaqadaha jira.
HBN ONLINE TV

