Putland oo war culus ka soo saartay banaanbax lagu waday inuu ka dhaco Gaalkacyo

Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland ayaa shaaciyey in dib loo dhigay banaanbax la qorsheynayay in uu ka dhaco magaalada Gaalkacyo, taasi oo loogu tixgelinayo arrimo la xiriira amniga iyo talooyin ka soo baxay qeybaha kala duwan ee bulshada. Go’aankan ayaa lagu cadeeyay warqad rasmi ah oo kasoo baxday xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Faysal Shiikh Cali Jifo Jabsade.

Qoraalka ayaa xusay in dib u dhigidda banaanbaxa lagu saleeyay codsi kasoo baxay qaar kamid ah dhalinyarada gobolka, xaaladda amni ee aan wanaagsaneyn ee haatan ka jirta gobolka Mudug iyo diyaar-garow la’aanta hay’adaha amniga oo aan weli u dhameystirneyn sidii ay ula tacaali lahaayeen sida hadalka loo dhigay sugidda amniga inta uu socdo banaanbaxu.

Guddiga amniga gobolka Mudug ayaa ugu baaqay shacabka in ay ilaashadaan nabadda, kana fogaadaan wax kasta oo keeni kara xasilooni darro, iyagoo adkeeyay in banaanbaxu dib u dhici doono ilaa amar dambe, si loo sugo nabadgelyada guud ee magaalada iyo gobolka.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya xili maanta maleyshiyaad hubeysan ay weerar ku qaadeen Xabsiga Dhexe ee magaalada Gaalkacyo, halkaas oo lagu hayo maxaabiis lagu xukumay dambiyo culus, sida dilal iyo dambiyo la xiriira muqaadaraadka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed