Puntlandoo oo sheegtay in howlgal ay dishay madaxii Drones-ka u qaabilsanaa kooxda Daacish

Ciidamada Difaaca Puntland ee howlgalka ka wada buuraha Calmiskad ayaa sheehay inay dileen Madaxii Drones-ka kooxda Daacish ee ku dhumalaysanay deegaanada buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Howlgalka la sheegay in lagu dilay madaxii diyaarada Drones-ka ayaa ka dhacay deegaanada Lugta Huraanhur iyo Togga Raq-raq oo lagu bartilmaameedsaday,waxaana deegaanadaas mudooyinkii dambe ka socday dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Puntland iyo kooxda Daacish.

War qoraal ah oo ka soo baxay ciidamada Difaaca Puntland ayaa lagau yiri “ Ciidanku howlgal ay sameeyeen waxay ku dileen Madaxii Drones-ka ee firxadka Argagixisada Daacish, deegaannada Lugta Huraanhur iyo Togga Raq-raq ee buuraha Calmiskaad, waxa la qabtay Saanad Ciidan iyo talisyo”.

Daacish ayaa diyaaraha Drones-ka u isticmaasha qaraxyada iyo sahanka goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada iyo dhaqdhaqaaqa joogta ah ee ka socda Aagga u dhow meelaha ay ku sugan yihiin, si ay is kaga ilaa liyaan weerarada ciidamada, sida lagu sheegay war kas oo baxay laamaha amniga Puntland.

Tan iyo markii uu biloowday Howlgalka ka dhanka ah Daacish oo ay wadaan ciidamada Difaaca Puntland ayaa waxaa soo baxaya wararka sheegaya in xubnaha kooxda ee ku dhumalaysanaya dhulka buuraleeyda ah ee Calmiskaad inay haystaan diyaardo basaaska ah oo caqabad ku noqday ciidamada howlgalka ku jira.

Puntland ayaa hore u sheegatay in ay soo riday diyaarado Drones ah oo ay isticmalayeen Daacish, waxayna ku soo bandhigeen warbahintooda, iyagoo sheegay in ay ka hortahayaan qatarta diyaaradaha Drones-ka ee kooxdu adeegsanayso.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed