“Puntland waxay qarka u saaran tahay inay ku dhawaaqdo dhamaadka dagaalka” Madaxweyne Deni

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, oo ku sugan magaalada Carmo, ayaa maanta ka hadlay xaaladda amni iyo siyaasadeed ee maamulka, isagoo si gaar ah u dul istaagay dagaalka ay kula jiraan kooxaha loogu yeero argagixisada, gaar ahaan kooxda Daacish.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay “in argagixisadu” waa siduu hadalka u dhigaye ay khatar weyn ku yihiin jiritaanka Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, kadib markii ku eedeeyay inay abuureen amni darro, baad, cabsi iyo kala shaki ay bulshada dhex dhigeen.
Wuxuu xusay in Puntland ay si weyn u wiiqday awooddii Daacish, kadib howlgallo isdaba joog ah oo lagu dilay, laguna qabtay xubno badan oo ka tirsan kooxdaas.

“Argagixisadu waxay khatar ku noqdeen jiritaanka Puntland iyo kan Soomaaliya, waxayna abuureen amni darro, baad, cabsi, iska horkeenaan bulshada. Ciidamada Puntland ee ka dagaalamaya jiida hore waxay qarka u saaran yihiin maalamaha dhow inay dhahaan howshaasi waa soo dhamaatay” ayuu yiri Madaxweyne Saciid Deni,

Sidoo kale, Deni ayaa shaaciyay in ciidamada Puntland ay ku dhow yihiin inay ku dhawaaqaan in la soo afjaray dagaalkii ka socday buuraha Calmiskaad, halkaas oo uu muddo sanad k udhow uu ka socday dagaal adag oo lala galay kooxda Daacish. Waxa uu intaas ku daray in qorshaha xiga uu noqon doono in la wajaho buuraha Calmadow, si gebi ahaan looga la wareego kooxaha haraadiga Daacish ee halkaas ku dhuumaaleysanaya.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kormeeray ciidamo cusub oo tababar ugu socda Kulliyadda Booliska ee magaalada Carmo, isagoo sheegay in la doonayo ciidan aqoon leh oo ka shaqeeya sugidda amniga iyo hub ka dhigista maleeshiyaadka. “Hadafka koowaad wuxuu yahay cid hubaysan oo meel joogta oo Puntland jiritaankeeda kasoo horjeeda lala dagaalamo” ayuu yiri Deni.

Isagoo hadalkiisa sii watay ayuu Madaxweyne Deni si adag u sheegay in aan cidna lagu ogolaan doonin inay hub ku dhex qaadato deegaanada Puntland, wuxuuna adkeeyay in hadafka koowaad uu yahay in lala dagaalamo cid kasta oo hubaysan oo ka soo horjeeda jiritaanka maamulka Puntland.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed