Puntland “Qof iyo codka Madaxweyne Xasan Sheekh wado iyo tan Puntland isku mid maahan”

Maamulka Puntland ayaa shaki xooggan ka muujiyey qorshaha doorashada qof iyo cod ee ay waddo Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), iyagoo ku doodaya in habkaasi aanu la mid ahayn doorashooyinkii hore ee ka dhacay Puntland.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa sheegay in deegaanada DFS ka qorsheyneyso codbixinta ay weli hareeraha ka joogto Alshabaab, taasoo caqabad weyn ku noqonaysa sida uu aamisan yahay in doorasho xor iyo xalaal ah halkaas lagu qabto.

Wasiirku waxa uu tusaale u soo qaatay magaalada Xamar, wuxuuna ku dooday in dhinacyada laba Kontorool ee Afgooye iyo Balcad ay joogto kooxdu.

“Qof iyo codka Madaxweyne Xasan Sheekh wado iyo tan Puntland isku mid maahan. Labada irdood ee Xamar: Afgooye iyo Balcad Alshabaab ayaa ka fadhiya. Mala codayn karo, halkee sanduuqa la dhigayaa.” ayuu yiri wasiir Caydiid.

Maamulka Puntland ayaa intaa ku daray in ay jiraan farqi weyn oo u dhexeeya nidaamka doorashada ee DFS qorsheyneyso iyo doorashadii hore ee ka dhacday Puntland.

Hadalka Wasiirka ayaa ku saleysnaa dhaliilo siyaasadeed, hase yeeshee ma uusan soo bandhigin caddeymo muuqda ama qorshe kale oo dhab ah oo lagu beddeli karo qaabka doorashada ee DFS.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed