Puntland oo xooggeeda isugu geysay dagaalka Daacish

Puntland ayaa sheegtay in ay xooggeeda isugu geysay dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish si ay uga qabsato Dhulka Buuraleyda ah ee Gobolka Bari. Saraakiil katirsan laamaha ammaanka mamaulka ayaa tilmaamay in ay diyaar u yihiin howlgal culus oo saf balaaran ah.

Maamulka Puntland ayaa Ciidamo dheeraad ah oo qaarkood dhowaan tababar soo dhammeystay ku xoojisay ciidanka jooga buuraha Cal-Miskaad ee Gobolka Bari si ay uga hortagaan weerrada ka imaan kara Daacish.

Sida oo kale Puntland Waxaa ay xannibtay Gaadiidkii u gudbayey Dhulkaas buuralaha ah si looga hortago qaraxyo iyo weerarro is dhinac socda oo Daacish ku beegsato Xeryaha ciidankaas u diyaarisay howlgallada inay fuliyaan.

Daraawiishta Puntland Saraakiil katirsan ayaa Warbaahinta u sheegay in ujeedkoodu arimahaan dhan loo sameeyey ay tahay istaatiijiyad dhulka howdka iyo buuraha isku darsaday looga dejin doono sida ay dahalka u dhigeen kooxda Daacish oo fadhigooda ugu weyn Soomaaliya lagu sheego inuu yahay buuraha gobolka Bari.

Dhanka kale waxaa magaalooyinka waa weyn ee Puntland ka socda uruurinta sahay lagu garab istaagayo ciidamada furimaha ku jira, iyada oo waxyaabaha lagama maarmaanka ah sida Cunada iyo gargaarka degdeg ah ay shacabka iyo maamulka isku xil-qaameen.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed