Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay dagaalka ay Puntland kula jirto kooxda Daacish ee ku sugan buuraha Calmiskaad, dagaal socday ku dhowaad sanad.
Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Puntland dagaallo kula jirtay kooxaha argagixisada loogu yeero muddo ka badan 15 sano, laga soo bilaabo 2011-kii oo Alshabaab uu ku xoogsatay markaasi buuraha Galgala, halka 2016-kii dagaalka Daacish uu ka qarxay buuraha Calmiskaad.
Sanadkii hore 2024-kii ayuu tilmaamay in maamulka uu galay midkii ugu dheeraa ee dagaallada Puntland ku jirto kooxda Daaish.
Wuxuu sharaxay in burburka guud ee dalka uu sahay u noqday kooxaha xagjirka ah, kuwaas oo isku dayay inay qalqal geliyaan magaalooyinka waaweyn ee deegaannada Puntland sida Boosaaso iyo Gaalkacyo, hase yeeshee kadib dagaallo culus, Daacish ay bedeshay xeeladooda, iyadoo isku dayday inay buuraha Calmiskaad ka dhigato fariisin joogto ah si ay ula wareegto magaalada.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xaqiijiyay in dagaalka Daacish lagu guuleystay 95%, iyadoo la burburiyay fariisimadoodii, qalabkoodii iyo warshadihii ay adeegsan jireen, halka inta badan dagaalyahannadoodii la dilay. Waxa uu sheegay in kooxda hadda ka hartay ay yihiin kooxo yaryar oo teel teel ah, iyagana la ciribtiri doono.
Ugu dambeyntii, Madaxweyne Deni ayaa hoosta ka xariiqay in marka dagaalka ciidan lagu soo afjaro uu xigi doono dagaal ka dhan ah fikirka xagjirka ah, Puntlandna ay ku guuleysatay inay Daacish ka saarto inta badan dhulka buuraha ah ee gobolka Bari.
HBN ONLINE TV