Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxa, oo wareysi siiyey warbaahinta, ayaa sheegay in Puntland iyo Somaliland ay ku heshiiyeen qodobo ay ka mid yihiin iskaashiga amniga, la-dagaallanka argagixisada, isu-socodka, ganacsiga iyo xal-u-helidda colaadda Ceerigaabo.
Wasiir Juxa ayaa si cad u sheegay in arrinta Laascaanood aysan ka mid aheyn waxa ay labada dhinac ka wada hadleen, isagoo oo yiri: “War dawlo warqad buu ku yaallaa. Annagu waxa aannu ka wada hadalnay la dagaalka argagixsada iyo xoojinta nabadda Ceerigaabo, isu socodka iyo ganacsiga dadka. Mowduuc kale oo aan ka wada hadalnay oo miiska yaallay ma jiro. Arrinta Laascaanoodna ka ma mid ahayn wadahadalkeenna.”
Markii la weydiiyey sida labada maamul uga wada shaqayn doonaan qodobbadaas, iyadoo u dhaxaysa maamulka cusub ee Waqooyi-Bari, Wasiirku wuxuu faahfaahiyay xaaladda dagaal ee meelo ka mid ah gobolka, isaga oo yiri: “Waxa noo dhaxeeya adigaa sheegaya. Annagu hadda waxaan dagaal kaga jirnaa buuraha Calmiskaad, Daacish baan kula dagaallamaynaa. Buurta kale ee Calmadow bay joogaan al shabaab, waana dhinaca Somaliland. Ma dagaal baa la saarnaanayaa. Dagaal iyo nabad waxaan doorannay — nabad”.
Sidoo kale, wuxuu carrabaabay wasiir Juxa “Dadku in ay isu socdaan baan doorannay. In cadowga guud la iska kaashadaan doorannay. Ceerigaabo in nabad laga galaan doorannay. Waxii aan ku kala duwayn ee jiray waa arrimo siyaasadeed, maalintooda iyo wakhti kale ayay noqonaysaa” ayuu yiri wasiirku.
Wasiirku waxa uu muujiyey in labada dhinac ay doorbadeen wadashaqeyn amni iyo furitaanka isu-socodka iyo ganacsiga, isla markaana ay kala shaqeyn doonaan in Ceerigaabo laga soo celiyo xaalad nabadeed. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in qodobbada siyaasadeed ee inta kale ah ay u baahan doonaan waqti iyo meel kale oo laga wada hadlo.
Wararka ka imaanaya wadahadalka ayaa noqon doona kuwo la sii daba socon doono, iyadoo labada dhinac ay isla qaatay in wadatashiyada iyo hirgelinta qodobbada amniga iyo ganacsiga la sii wado.
HBN ONLINE TV