Ciidamada Puntland ee ku sugan furimaha dagaalka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari, halkaas oo ay ku dileen dhowr xubnood oo ka tirsan kooxda Daacish (ISIS-Soomaaliya), sida lagu sheegay war rasmi ah oo ka soo baxay taliska ciidanka.
Howlgalka, oo ka dhacay inta u dhexeysa Maragaale iyo Kal-Idaad ee Togga Baallade, ayaa lagu dilay saddex maleeshiyaad oo Daacish ah, iyadoo sidoo kale lagu soo qabtay hub iyo saanad badan oo ay kooxdaasi ku adeegsanayeen dagaalka.
Taliska ciidanka Puntland ayaa sheegay in tallaabadani ay qayb ka tahay dagaalka joogtada ah ee ay ku baacsanayaan ISIS-Soomaaliya ee ku dhuumaaleysanaya buuraha Bari, halkaas oo ay muddo ku dhowaad hal sano ka socdaan iska hor imaadyo joogto ah.
Dhanka kale, Taladadii taliska Maraykanka ayaa shaaciyay inay soo gabagabeeyeen howlgal labo toddobaad socday oo ka dhacay buuraha silsiladda ah ee Golis, kaas oo lagu sheegay in lagu beegsaday xubno sare oo Daacish ah, isla markaana lagu gaarsiiyay waxyeello culus.
Puntland ayaa wada dagaallo culus oo badi lagu qabsaday Calmiskaad waxayna ka sheeegatay guullo waa weyn, ka dib markii ay la wareegtay in badan dhulka buuraha gobolka.
HBN ONLINE TV