Taliska Ciidamada Booliiska maamulka Puntland ayaa maanta faahfaahin hordhac ah ka bixiyey duqayntii shalay ka dhacday duleedka degmada Ceelbuh ee gobolka Sanaag, taas oo lagu beegsaday gaari uu watay Marxuum Nabadoon Cumar Cabdillaahi Cabdi oo ka mid ahaa madax-dhaqameedka deegaankaas.
Sida ay sheegeen saraakiisha Booliisku, marxuumka ayaa keligii saarnaa gaariga duqayntu ku dhacday, waxaana lala beegsaday ilaa saddex gantaal xilli uu ku sii jeeday magaalada Badhan, iyadoo ay xusid mudan tahay in Nabadoonka iyo gaariguba isku bas beeleen oo cad la aqoonsado laga waayey, marka laga yimaado nafihiisa.
Booliiska ayaa xusay in weli aan la ogaan cidda ka dambeysa weerarka, balse ay bilaabeen badhitaan rasmi ah si loo ogaado xogaha rasmiga ah ee kiiskan.
Puntland waxay sheegtay in baaritaanka socda lagu soo bandhigi doono natiijooyin hordhac ah marka la helo, iyadoo falkaas lagu tilmaamay mid culays iyo walaac ku reebay bulshada gobolka Sanaag.
Dhanka kale, Walaalka caaqilka, Cali Cabdillaahi Cabdi, ayaa warbaahinta u sheegay in ay heleen oo keliya lafihii caaqilka, isla markaana uusan jirin qof kale oo la socday. Wuxuu xusay in marna caaqilku xiriir la yeelan sida uu hadalka u dhigay kooxaha hadda la raadinayo.
Geerida caaqilka ayaa gilgishay bulshada deegaanka, iyadoo dadka deegaanka iyo ehelada ay dalbanayaan in si degdeg ah loo baaro sababta iyo cidda ka dambeysa weerarkan.
Dheeraad Warar Dheeraad ah: Duqeyn ka dhacday gobolka Sanaag oo lagu dilay Nabadoon caan ah
HBN ONLINE TV