Puntland oo Xabsiga dhigtay in ka badan 100 Ruux Magaalada Boosaaso iyo fatash socda

Ciidamada Ammaanka Boosaaso ee Puntland oo howlgallo kala duwan ka wada magaalada ayaa sheegay in la qabtay ku dhawaad 10 ruux oo ajaaniib u badan oo lala xariirinayey sida hadalka loo dhigay nin qarax lagu qabtay oo la toogtay, iyada oo Xabsiga la dhigay tobanaan kale oo baaritaan lagu sameyn doono.

Howlgalka ka dhacay magaalada ayaa la sheegay in lagu qabtay 8 qof oo ay ku jiraan 6 ajaanib ah, kuwaa oo qeyb ka yihiin sida Booliska Puntland uu tilmaamay koox lala xariirinayo inay la shaqeysay nin ajnabi ah oo la dilay, xilli uu isku diyaarinayay walxaha qarxa.

Sidoo kale, warka ka soo baxay Ciidamada Puntland ayaa lagu carrabaabay in xabsiga la dhigay 100 qof oo ay ku socdaan baaritaan.

Ciidamada Ammaanka Puntland ee Boosaaso oo howlgal ka dhan Daacish ka wada magaalada ayaa soo bandhigay Qaraxyo iyo hub kale, kaasi oo laga soo helay gaari-gacan uu ku shaqeysan jiray ninka la dilay.

Dhanka kale, Puntland ayaa sheegtay iyada oo xeerinaysa nabaddgelyada, badqabka dadka iyo hantidooda ay meesha ka saartay inay ajaaniibtu Puntland ku soo gasho sifo aan sharci ahayn. Waxay ka mamnuucday dhammaan tuugsiga waraaqaha lambaradu ku qoranyihiin in lala istaago goobaha dadweynaha sida masaajidada, waddooyinka iyo goobaha ganacsiga hortooda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed