Madaxtooyada Puntland ayaa maanta war ka soo saartay cabashooyin ka yimid qaar kamid ah ciidamada ku dhaawacmay dagaalkii ka dhacay deegaannada buuraha Calmiskaad, kuwaas oo haatan lagu dabiibayo cisbitaalka magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, uu amar ku bixiyay in ciidamadaasi lagu soo wareejiyo magaalada Garoowe, si halkaasi loogu helo daryeel caafimaad oo dhameystiran, lana qiimeeyo baahiyahooda caafimaad iyo nolosheedba.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale faray Guddiga Daryeelka Ciidamada Howlgalka Puntland in ay si buuxda uga shaqeeyaan daryeelka iyo ilaalinta xuquuqda ciidamada ku dhaawacmay howlgalada, iyadoo guddigaasi ay horey ay Ciidmada dhaawaca ah ay cabashada uga keeneen.
Sida lagu sheegay warka, ciidamada dhaawaca ah qaar waxaa lagu dabiibayaa gudaha dalka, halka kuwa xaaladooda ay adag tahay loo qaaday dalka Itoobiya iyo wadamo kale, kuwaas oo weli lagu daaweynayo isbitaallada dibadda.
HBN ONLINE TV