Puntland oo war ka soo saaray wararka sheegay in deegaanadaasi lagu dilay Muwadiniin Itoobiyaaan ah

Warbixin ay siidaayey warbaahinta dalka Itoobiya ayaa lagu sheegay in Saddex qof oo Itoobiyaan ah lagu dilay Puntland, iyadoo lagu eedeeyay in ay xiriir la leeyihiin kooxda Daacish, halka dhowr kalena la xiray.

Bayaanka ayaa warbaahinta Itoobiya siidaysay ayaa lagu sheegay in howlgal bilowday 26-kii bishaan lagu dilay hal qof oo Itoobiyaan ah oo ay dileen ciidamada ammaanku, iyadoo ay xigtay dhimashada laba kale oo la tilmaamay in lagu garaacay magaalada Boosaaso maalintii xigtay.

Wargeyska Addis Standard ayaa sheegay isagoo soo xiganaya dadka Itoobiya in ay aad ugu bateen “xarigga, garaacista iyo dhac aan loo meel dayin” sida uu hadlaka u dhigay oo lala beegsanayo muhaajiriinta iyo qaxootiga Itoobiyaanka ah ee ku sugan Garoowe iyo Boosaaso.

Sidoo kale, Mid ka mid ah dadka Puntland oo uu magaciisa qariyey ayaa u sheegay in dilkan uu la xiriiro eedeymo ah in Itoobiyaanku “ku lug leeyihiin kooxda Daacish” Si kastaba ha ahaatee, waxa uu su’aal galiyay hawlgalada baaxada leh ee socda, isaga oo sheegay, “Waxa laga yaabaa in ay jiraan Itoobiyaan ku lug leh, laakiin in la ciqaabo dhammaan Itoobiyaanka iyada oo marmarsiiyo looga dhigayo in shakhsiyaad kooban ay kooxdan ku xidhan yihiin maaha mid xaq ah” ayuu yiri.

Mid kale oo ka mid ah dadka Itoobiyaanka ah ayaa ku xidhiidhiyay xadhiga iyo musaafirinta dadkooda “cadhada sii kordhaysa” ee ka dhanka ah Itoobiya, ka dib heshiiskii lala galay sida uu hadalka u dhigay Somaliland, balse ma jiraan warar xaqiijinaya arinkan oo ka soo baxay maamula Puntland ama ilo madaxbanaan, inkasa Puntland sababta ay dadka u saareyso ay ku sababaysay inay ku lug yeesheen falal amni darro iyo tuhunka la shaqeynta kooxda Daacish oo dagaal ay adag ay kula jirto tan iyo dhamaadkii sanadkii hore.

Dhinaca kale, war caawa ka soo baxay Booliiska Puntland ayaa lagu beeniyay wararka ay baahisay warbaahinta Itoobiya, waxaana war kooban oo ka soo baxay Booliiska ayaa waxaa lagu yiri “Ma jiro qof Itoobiyaan ah oo lagu dilay Puntland. Wararkaasi waa been. Dhacdo yar oo ay dad dhagax ku tuureen muhaajiriin ayaa la xaliyay, waxaana gacanta lagu hayaa kuwii ka dambeeyay. Waxaana ka digaynaa falalkaas oo kale, waxaana naga go’an inaan dhammaan dadka deggan deegaanada Puntland ilaalinno.”

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed