Puntland ayaa sheegtay in Ciidamadeeda ku sugan Buuraha Calmiskaad ay fuliyeen howlgal ka dhan ah kooxda Daacish oo ka dhacay Buuraha Calmiskaad iyo deegaannada ku dhow.
Wararka ayaa tilmaamaya in Ciidanka Difaaca Puntland ay fuliyeen hawlgallo ballaaran oo qeyb ka ah Howlgalka Hilaac, si loo soo afjaro sida hadalka loo dhigay firxadka iyo xarumaha ay Daacish ku leedahay Toga Baalade ee dhanka Xabley.
Inta uu socday howlgalka, ciidamada ayaa carrabaabay inay burburiyeen talisyo iyo xarumo ay kooxdu ku lahayd buuraha Cascas, Dhaban-qooxle, Xabley ilaa aagga Shakaala. Waxaa sidoo kale socda sida la tilmaamay dadaallo lagu soo afjarayo xubnaha ku dhuumaaleysanaya Toga Baalade.
Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland iyo Wasiirka Ganacsiga Axmed Shire Siciid, oo mar walba garab taagnaa ciidamada, ayaa hoggaaminaya howlgallada, iyadoo shacabka deegaanka ay si buuxda u taageerayaan ciidankooda.
HBN ONLINE TV