Puntland oo war cad ka soo saartay in dadka reer Gaza la keeno deegaannada maamulka hoos yimaada

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda warfaafinta Puntland ayaa lagu sheegay in meesha laga saaray war ka soo baxay masuul ku afkooda ku hadlay dhawaan oo ku aadanaa in Puntland ay soo dhaweynayso sida uu hadlaka uu u dhigay baaqa shacabka reer Gaza in deegaannada maamulkaasi la keeno.

Puntland ayaa sheegtay in warbixin ay ka soo xigatay wasiir ku xigeenka warfaafinta Puntland inuu hadalkaasi uu kaligiisa ku kooban yahay.

“Waxaan meesha ka saaraynaa hadal uu wasiir ku xigeenka warfaafinta ka sheegay wargeyska Telegraph ee soo baxay February 8, 2025. Faallooyinkaas oo ah kaliya aragtidiisa gaarka ah oo aan matalin mowqifka dawladda Puntland” ayaa lagu yiri warka.

Sidoo kale, waxaa intaasi lagu daray in Puntland ay ixtiraamayso xuquuqda Falastiiniyiinta Gaza, si ay nabad iyo barwaaqo ugu noolaadaan dalkooda.

Ugu warka ayaa lagu soo gabagabeeyey in Xubinnimada labada jaamacadood ee Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka OIC ay Soomaaliya ku leedahay ballan taariikhi ah oo lagu taageerayo shacabka maatada ah ee Falastiin.

Go’aanka looga rarayo dhulkooda Falaastiin shacabka reer Gaza oo 15 bil ay duqeyn ku waday Israaiil ayaa waxaa uu ka soo baxay Madaxweynaha Mareykanka oo soo jeediyey in dadkaasi loo raro dalalka Masar iyo Urdun, inkasta oo bayaan wadajir ay u soo saareen ay ku diideen go’aankaasi.

HBNONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed